Wafdigii RW Rooble ee safarka ku tegay Kenya oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed  Xuseen Rooble iyo wafdigiisii ayaa galabta gabal dhicii dalka dib ugu soo laabtay.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa muddo seddax cisho ah booqasho ku joogay Kenya, halkaas oo uu kula kulmay madaxweynaha Kenya, mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Kenya.

Sidoo kale ra’iisul wasaare Roobe ayaa intii uu joogay dalkaas Kenya waxa uu kulamo kala duwan la qaatay qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliiyeed ee ku nool Kenya, siyaasiyiin Soomaaliyeed iyo wakiillada Beesha Caalamka ee degan Nairobi.

Safarka Ra’iisul wasaaraha ayaa daarnaa soo celinta iyo wanaajinta xiriirka xumaaday ee Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo hadda guddi farsamo ay labada dal u xir saareen, si loo soo afjaro khilaafka, isla markaana shucuubta labada dal loogu abuuro xiriir dhan kasta ka dhisan iyo iskaashi.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, maamulka gobolka Banaadir iyo siyaasiyiin kale.