Ra’iisul Wasaare Rooble oo guddoomiyay kulan ay yeesheen madaxda Golaha Wadatashiga Qaran “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay kulan ay yeesheen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka oo looga hadlay dardargelinta arrimaha doorashooyinka dalka iyo bilaabista doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Shirka waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, halka ay habka fogaan aragga uga qeyb galeen madaxweyneyaasha Puntland  Saciid Cabdullaahi Deni, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.