Shir looga hadlay sare u qaadista isticmaalka Gaaska Cuntada oo Muqdisho lagu soo geba-gabeyay

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xaashi Carabeey ayaa Muqdisho ugu soo xeray kulan looga hadlaayay Istaraatiijiyadda Sare-uqaadista isticmaalka Gaaska Cuntada kaas oo ay ka qeybagalayeen Mas’uuliyiin Matalayay Hay’adda Dowladda , Dowlad Gobaleedyada iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee iibiya Gaaska Cuntada.

Xeritaanka kulanka Waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , Xubno ka tirsan Xafiiska Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Waxaana agaasinka kulanka iska-kaashaday Agaasinka Deegaanka iyo Cimilada Xafiiska Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Agaasinka Deegaanka ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xaashi Carabeey ayaa ugu horreyntii u mahadceliyay Mas’uuliyiinta iyo qeybaha kala duwan ee kulanka joobjoogga ahaa mudadii uu Socday , Waxa kaloo si qota dheer uu ugu hadlay Xoojinta wada-shaqeynta Laamaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ganacsata si loo illaaliyo deegaanka , Shacabkana u helaan Gaas qiimo jaban oo tayo leh.