Taariikh Nololeedka La-Taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya

Xuseen

Xuseen Macalin Maxamuud Sh. Cali waxaa 16kii Feberaayo 2017 loo magacaabay Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. 3dii sano ee ugu danbeysey Xuseen waxaa uu ahaa La-Taliyaha Sare ee Amniga oo uu weliba si gaar ah ugu qaabilsanaa dhanka Ka-hortaga Argagaxisada ee Dowladdii hore. Waxuuna xubin ka ahaa Golaha Amniga Qaranka oo ah hay’adda ugu sareeysa dalka ee go’aan gaariska arrimaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu weliba la bilaabay markii la hirgeliyey Golaha Amniga Qaranka.

Xuseen waa shaqsi si istraatejiyad leh u fikira, waxuuna qoray Istraatejiyada La dagaallanka Argagaxisada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxuu qoray Istraatejiyadda iyo siyaasada dalka ee dib-u-heshiisiinta iyo cafiska loo fidiyo Al-Shabaab. Xuseen waxuu hormuud ka ahaa abuurista Xarunta Warbixinta Maaliyadda (Financial Reporting Center (FRC).

Xafiiska Madaxtooyada ka hor Xuseen Sheekh-Cali waxuu muddo 4 sano ka badan ahaa Agaasimaha Waaxda Amniga Dibadda ee Hay’ada Nabadsugida & Sirdoonka Qaranka (NISA). Howlaha uu qaabilsanaa waxaa ka mid ahaa La-dagaallanka Argagaxisada, La dagaallanka Burcad-badeeda, Lid-xuuraanka iyo xiriirka hay’adaha caalamiga ee ka howlgala Soomaaliya. Waxuuna mar noqday Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’ada Nabadsugida & Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

Xuseen waxuu heystaa shahaadada Bachelor ee Taariikhda iyo shahaadada Master-ka ee Arrimaha Amniga iyo Sirdoonka.

DHAMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here