Taariikhda Bare sare AUN Axmed Muumin Warfaa

Eebbe weyne ha janneeyo, waxaa 24 Maarso 2021, Muqdisho ku geeriyooday Bare sare. Axmed Muumin Warfaa, oo ka mid ahaa aqoon-maalka iyo indheer-garadka Soomaalida, kuwooda wax laga weydiiyo kasmada geyiga iyo geedaha.

WAAYIHIISII WAXBARASHO

Wuxuu ku dhashay magaalada Buulabarde 1948-dii, iskuul hoose iyo dugsi qur’aankana wuxuu ku qaatay isla Buulabarde. Dugsi dhexe wuxuu ka galay degaanka Jannaale, waxbarashadiisa dugsiga sare waxey ahayd Dugsigii Farsamada ee Xamar.

Jaamacadda heerka 1-aad (Bachelor Degree) wuxuu ka mid ahaa 21 arday oo lagu billaabay kulliyadda beeraha, wuxuuna ka mid ahaa guud ahaan ardaydii Soomaaliyeed ee lagu iba-furay Jaamacaddii Ummadda, shahaadada 2-aad ee heer aqooneedda sare (masters degree) wuxuu ku sammeeyey dalka Talyaaniga, halka tan ugu dambeeysa ee PhD-dana uu ka kasbaday jaamacadda Uppsala ee dalka Sweden.

WAAYIHIISII WAXQABAD

Wuxuu macalinnimo ka billaabay kulliyaddii beeraha ee Jaamacaddii Ummadda, bartamihii todobaatannada ilaa 1991-dii, oo aheyd ku kala dareeriddii dowladnimada dalka.

Bara-sare inuu ahaa kasa-kow, wuxuu ku biiray liiska Seynisyahannada caalamka dabayaaqadii 80-aadka ee qarnigii na dhaafay, kadib markii uu daah-furay nooc dhirta ka mid ah oo aan dunidu war ka heyn isaga hortiis.

Nooc dhireedkaan uu daah-furay waxaa lagu magacaabaa “Cyclamen somalense” af-cilmiyeedka Latin-ka, af Soomaalina “Dhegweyn” ayaa la dhahaa, waa ceyn ka mida geedgaabka geyigeenna waxaana laga helaa badiyaaba waqooyi bari Soomaaliya.

Waxaa ku wehliyey hal-abuur-aqooneedkan cusub nin u dhashay dalka Sweden oo ay jaal ahaayeen looguna yeero Mats Thulin.

Eebbe ha u raxmadee, marxuunku wuxuu ku talax-tegay cilmiga ab-tiriska iyo abla-ableynta dhirta (classification of plants) waana tan u horseeday inuu gaaro heer Seynisyahan (Scientist), oo ah mansab-cilmiyeed la gaaro tan ugu sarreeyso adduunkaan casriga ah ee maanta eynu joogno.

Hadda ka hor, mar baa la ii sheegay inuu yahay Seynisyankii ugu horreeyey ee Soomaalida, mase hubo anigu qof ahaan arrintaas sax ahaanshaheeda, mana ugu dhiiran karo sida aan u ogahay Dr. Cali Mire inuu ahaa Alle ha u naxariista , qofkii ugu horreeyey Soomaalida ee muteeystay shahaadada PhD-da cilmi-casriga maanta jira, ama sida uu u noqday Dr. Cilmi Ducaale oo weli nooli dhaqtarkii ugu horreeyey Soomaalida ee jaamacad ka soo qalin-jebiya.

Balse, waxaan ku dhiiran karaa oo cidina ku qabsan karin inuu ahaa marxuunku aabbihii cilmiga dhirta iyo deegaanka ee Soomaalida, sida ey ii xaqiijiyeen aqoon-maal doora oo ey isku xeyndaab-xirfadeed ahaayeen, badidoodna uu bare u ahaa.

Bara-sare Axmed Muumin Warfaa, burburkii dalka kadib wuxuu ka mid ahaa hal-doorkii day-dayga u galay dowladnimada dalka, wuxuu ka mid ahaa mufakiriintii maskaxdooda martida iyo magantaba loo ahaa, marka la eego masiibadii uu dalkiisu maquurtay, balse isaga iyo jaalkiisba wey ku maan-dawaqmeen, markii ey garan waayeen cid garasho iyo garaad u saaxiib ah oo la garata gunti-isku-giijintii ey wadeen.

Dadaalladii uu galay professor Warfaa qaran-jabkii dabadeed waxaa ka mid ahaa, ka shaqeynta dib u heshiisiin iyo baadi-doon dowladnimo, wuxuu ka mid ahaa abaabulayaashii unkay shirkii ugu horreeyey ee lagu wada-hadalsiiyo Soomaalidii Jamhuuriyaddu ka jabtay, isagoo markaa ahaa la-taliya-sare oo Qaramada Midoobay ugu qeybsanaa arrimaha Soomaaliya.

Wuxuu ahaa qof ku fogaaday fanni-aqooneedkaan aan kor ku soo faalleynay, had iyo goorna ku fooggan u iftiiminta bulshada faa’iidada dhirtu u leedahay dadkiisa iyo deegaankiisaba, waxaanad ku garataa arrintaas, markuu kuu xog-waramaayo iyo weliba wareysiyadiisa war-baahinta.

Waxaan tusaale nool u soo qaadan karnaa wareysi uu bixiyay bishii Luulyo 2018-kii mar uu la hadlay VOA-da oo wax laga weydiiyey xaalufinta dhirta iyo dhuxul ka sameeynta, ayuu sidaan ku war-celiyey “waan iska daayey gobollada qaarkood inaan tago, maxaa-yeelay waxey jarayaan dhirtii isla markaana ay u iib-geeyaan dalal shisheeye, sidaa darteed ma daawan karo xanuunkeeda!.

GUNAANAD

Marka laga yimaado aqoon-dhireedda uu ku caanbaxay, waxaa kale uu ahaa nin diinta iyo dhaqan-bulsheedkiisaba wax badan ka og.

Haddii uu kaala hadlaayo cilmiga diinta Islaanka waxa aad ogaaneysaa inuu ahaa wadaad waxbadan u soo xereeystay kasmo-diineedda Islaamka, sidoo kale haddana markuu kaaga war-sheekoonaayo sooyaal-dhaqameedka Soomaalida waxaad isweydiin war heedhe, ma shahaado sare ayuu ku sitaa dhaqan-aqoonnimada?

Isku soo duuboo boos bannaanaaday dheh, aanse la ogeyn bedel-buuxintiisu saad iyo si’ ey noqon.

Ugu dambeeyn waxaan uga tacsiyeeynayaa ummadda Soomaaliyeed aqoonyahaankaas weyn ee ka baxay, si gaar ahna waxaan uga baroor-diiqayaa ehelkii uu ka dhashay iyo maskax-maalka Soomaalida oo aheyd bah-weynta uu ku abtirsado.

W/Q: Cabdiqaadir Dhaqane Cumar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here