Wasiirka Ganacsiga oo kulan laqaatay safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar, ayaa maanta la kulmay safiirka dawladda Turkiga ee Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz, waxaana ay ka wada-hadleen xoojinta xidhiidhka ganacsi iyo maal-gashi ee labada dal.

Wasiir Khaliif, ayaa maalmaha soo socda dalka Turkiga kaga qeyb-geli doona shirka saddexaad ee iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga ee u dhaxeeya Turkiga iyo wadamada Afrika, waxaana ay Soomaaliya ka mid tahay dalalka xidhiidhka ganacsi iyo maal-gashigaba la leh Turkiga,iyadoo sidoo kale la rajeynaayo in dhawaan la dhammeystiro heshiiska iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkey.