Dhaqaatiir ka tirsan jaamacadda Clypedia ee dalka Lithuania, ayaa mar kaliya layaab ku noqotay nin qaalin lagu sameeynayay kaasi oo lagu arkay wax ugub ku ah, Dhaqaatiirtii ku howlaneeyd xaaladiisa caafimaad, ninkaani ayaa ahaa mid aad u isticmaala qamriga kaasi oo uu qabatimay naftiisanna uu ka reebi kari waayay.
Dhaqaatiirta ayaa ka soo saaray caloshiisa in ka baddan 1 killo oo masaabiir ah iyo biro kale, waxaa kale oo ay ogaadeen Dhaqaatiirta in ninkaani uu muddo bil ah isticmaalayay oo uu quudanayay. Waxaana ku kalifay arinkaani ayaa ah markii uu iska daayay Qamrigii uu qabatimay oo si fudud uu naftiisa kaga jari waayay, waxaa uu la talin ka helay saaxiibadiisa kuwaasi oo ay ku qanciyeen in birahaan uu laqayo wax weyn ka tarayaan in uu iska ilaawo cabista aalkolada.
Sida ay baahisay idaacadda dowladda ee Lithuania, biraha iyo masaamiirta laga soo saaray ninkaan calooshiisa ayaa qaarkood waxa cabirkoodu gaarayey 10cm. Idaacadda Lithuania, ee qaranka ayaa faafisay warbixintaan oo ay la socdaan sawiro muujinaya saxanka maqasyada qalliinka oo ay ka buuxaan masaamiirtii laga soo saaray bukaankaan calooshiisa, waxana qalliinka ninkaan lagu sameeyey uu qaatay in ka badan 3 saacadood.
Aduunyadani waa mid aad ku arkeeyso arimo aad kaaga-yaabiya oo aad markaad maqasho ama aad aragto la yaabayso misna maskaxdaadu ayna ku soo dhacaynin ilaa aad la kulanto ama aad maqasho moyee! Si fudud uma rumeeysan kartid marka lagaaga waramo oo ugub ayeey kugu noqoneysaa maankaaguna si fudud kuma aqbalayo ilaa laguu badhax-tiro moyee.

