AC Milan oo Ka Badisay Kooxda Parma

924

Kooxda AC Milan ayaa garoonkeeda San Siro 3-1 uga badisay kooxda Parma oo ugu hooseeysa horyaalka talyaaniga.

Kooxda AC Milan ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 18-aad ee ciyaarta gool rigoore ahaa u dhaliyay ciyaaryahan Jeremy Menez.

Ciyaaryahan Antonio Nocerino oo horey ugu ciyaari jiray kooxda AC Milan ayaa daqiiqadii 24-aad ee ciyaarta gool barbardhac ah u dhaliyay kooxda Parma.

Ciyaaryahan Jeremy Menez ayaa daqiiqadii 57-aad ee ciyaarta goolka labaad u dhaliyay kooxda AC Milan.

Ciyaaryahan Cristian Zaccardo ayaa daqiiqadii 76-aad ee ciyaarta goolka sedaxaad u dhaliyay kooxda AC Milan.

Kooxda AC Milan ayaa kala horeynta horyaalka talyaaniga uga jirto kaalinta sideedaad,waxana ay leedahay 29-dhibcood,halka kooxda Parma ay kamid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseeya.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here