Wasaaradda Arrimaha Guddaha oo Aqoon isweedaarsi u furtay qaarkamida ardayda Jaamacadaha “SAWIRRO”

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib U Heshisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta qabatay Aqoon Iswaydaarsi ku saabsan Arrimaha Federaalaynta iyo Maamul Daadejinta ee Adeegyada Dowladda.

Kulanka waxaa Daahfuray Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Guddaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane. Saciid Cabdullahi Calasow

Aqoon Iswaydaarsigan ayaa waxaa kasoo qayb galay Ardayda Jamaacadaha Qaar ee dalka,Barayaal SareĀ  iyo Ururada Bulshada Rayidka waxaana Diirada lagu saaray ahmiyada ay leedahay in la Baahiyo Adeegyada Dowladda.